Careers

Comments Off on MAXAY AYAAN SAMEEYAA HADDII AAN KA HABSAAMO WARAYSIGA SHAQO?

MAXAY AYAAN SAMEEYAA HADDII AAN KA HABSAAMO WARAYSIGA SHAQO?

Posted by | August 11, 2018 | Careers

MAXAY AYAAN SAMEEYAA HADDII AAN KA HABSAAMO WARAYSIGA SHAQO?

Ka habsaamidda waraysiga shaqo waa mid kamida xaaladaha sida degdegga ah u dhaca. Habka ugu horeeya ee aad xaaladaa kaga falcelin waa deganaan. Waxa laga yaabaa inay hurdadu kula tagtay, Wadadu kugu xidhantay, Shil iyo xaalad caafimaad kula soo gudboonaatay. Si kasta oo ay tahay waxa aynu wada ogsoonnahay in habsanku aanu kaa joojin karin u tartamidda fursadda shaqo ee banaan. Haddii dareento inaad habsaantay halkan waxa aanu kugula wadaagaynaa sidaad uga gudbi lahayd xaaladaas:

1. XIDHIIDH SAMEE
Ha ogaadaan warsi shaqo qaadayaashu inaad soo habsaamayso arimo degdega oo kulasoo gudboonaaday awgeed. Arimahaasi haddii ay  qaadanayaan 24 saac wax ka badan u dir fariin kana codso in dib laguugu dhigo ama habab kale lagaaga qaado interview-ga sida SKYPE-ka oo kale. Haddii uu wakhti yari ka hadhsan yahay oo aanad ogaysiin misna aad habsaanto ogow waxa hoosu dhac ku imanayaa rajadii lagaa qabay waxaana laguu arkayaa sida qof aan diyaarsanayn isla markaana wakhti maamul xumo hayso. Waxay ku dhaxalsiin kartaa inaad fursaddaa waydo. Markaa ku dedaal inaad xidhiidh samayso

2. CUDURDAAR RUN AH
Haddii aad soo habsaanto horena u samaysay xidhiidh ogaysiis. Waaa inaad haysataa cudurdaar run ah sida; Waan ka xumahay waan habsaamay
Shilbaan galay, Hurdadaa ila tagtay usoo jeed xaalad caafimaad darteed ama dhakhtar. Sidoo kale xaalad degdega oo qoyseed. Sidaasi waa wax la fahmi
karo laguuna tixgelin karo

3. NOQO RAALIGELIYE
Xasuusnow. Habsanku adiga uun kuma saamaynayo. Laakiin waraysi shaqo qaadayaasha waxa ka lumaya wakhti ay shaqo ku qabsan lahaayeen inta  aad soo socoto ee ay ku sugayaan. Markaa waxa muhima inaad raaligeliso.
Ka raaligelin marka u horeysa ee waraysi qaaduhu ku ogaysiiyo inaad habsaantay. Markale raaligeli marka u horeysa ee aad hadalka qaadato. Isla markaana raaligeli marka u danbeysa ee waraysiga shaqo iyo fahamka ay kula fahmeen cudurdaarkaaga.  Sida iska cad. Raaligelintu ma ilawsiinayso shirkadda iyo waraysi qaadayaasha inaad habsaantay, Laakiin waxay xaqiiqsanayaan sidaad ugu hanweyntahay in lagu qaado iyo sidaad u garawsantahay khaladkaaga.

4. QIIMEE OO U SHEEG WAKHTIGA AAD KU IMAN KARTO.
Fariin usoo diridda waraysi qaadaha una sheegidda inaad habsaamayso way ku caawinaysaa mararbadan. Ha ogaado warsiqaaduhu wakhtigaaga saxda ah ee  imaanshaha shirkadda ama ururka waxay u tahay fursad ay dib ugu eegaan qorshohooda shaqo ee u qoondaysan maalintaas.

Intaa waxa dheer. Waxa jira farqi wayn oo u dhaxeeyaa haddii aad soo soconayso 5 daqiiqo iyo 25 daqiiqo oo habsan ah.

5. HA LUMIN XOOGGA SAARIDDA
Hagaag. Wixii ugu xumaaba kugu dhacay, waad habsaantay. Adigoo kula tacaalaya xaaladdaa si masuuliyad iyo deganaan leh. Dhammaan maad waayin. Waxaad waali
awoodda inaad markale guuleysato. Ha u ogolaan in habsankaagu soo xidho albaabadaada ama fursadahaad ku hanan karto booskan. Marka aad timaado qaado neef dheer
isla markaana siiwad waraysigaaga shaqo adigoo xoogga iyo awooddaada isugu geynaya. Xoogga saar hadafkaaga iyo riyadaada shaqo.

Waxaan kuu rajaynayaa inaad heshay talaabooyin aad kaga gudbi karto habsanka iyo xaaladaha degdegga ah ee kula soo gudboonaada waraysiga shaqo horteed.

Mahadsanid
Axmed Ibrahim Abdirahman
Somalijobs Inc.

Comments Off on XIDHIIDHKAAGA BULSHO WUXUU KORDHINAYAA FURSADAADA SHAQO HELINNEED!

XIDHIIDHKAAGA BULSHO WUXUU KORDHINAYAA FURSADAADA SHAQO HELINNEED!

Posted by | March 19, 2018 | Careers

Xog ururin ay Somali Jobs barkulan kan ku ururisay waxan idin waydiinay suaal ahayd haddii aad qof ka garansyo goob aad shaqo ka codsatay ma kordhinaysaa fursada ah in aad shaqadaasi hesho?

Inta badan jawaabihi aan helnay waxay ahaayeen kuwo si taban oo aan wanaagsanay u arkayay ku yeelashada qof goob aad shaqo ka doonatay. Maxaa Wacay? Jawaabayaashu waxay ka eegayeen dhanka Taban oo ay lahaayeen, Somali idilkeed ayaa hadda garasho iyo yaad taqaan isku shaqaalaysiisa. Waa arrimo wax ka jiri karaan, balse waxaa muhiim ah in aad ku mashquusho waxyaabaha TOGAN – had iyo jeer in dhanka wanaagsan waxa laga eegaa niyad wanaag iyo dhiiranaan ayay ku siinaysa, halka in aad si TABAN wax ueegtaa ay niyad jab badan ku dhaxal siinayso – Wax kasta oo aad ka fikirayso faaiidooyinkooda TOGAN in aad eegtaa waa arrin muhiimadeeda leh. Bal eeg qoraalkan aanu ka helnay shaqo raadiye shaqo helay oo aan markii hore ku niyad samayn dalbashada shaqo.

“Somali Jobs aad baan idiinku mahadnaqayaa, waxaan helay shaqo aad soo xayaysiiseen –ka hor intii aanan dalban jirin waxaan niyadda u sheegi jiray maxaad ka dalban ma kolbaad helaysaa, markii aan 3 ilaa 4 jeer aan shaqooyin dalbay axlamdulilaah ugu dambayn waan helay shaqadii aan muddo 5 sano ah raadinayay –waan idiinka mahad celinaynaa sidaad fursadaha noola wadaagtaan” Fariin shaqo raadiye shaqo helay noo soo diray.




Sida shaqo loo helaa way hawl badan tahay waayadan, sidaa darteed waxaad u baahan tahay in aad isticmaasho hab kasta oo suuban oo aad awoodo in aad shaqo ku hesho. Sidaasi darteed in aad bulsho badan ku xidhantaa waa lagama maarmaan, ku xidhnaanshahaasi wuxuu sababi in aad shaqadii aad rabtay hesho.

 
In aad ummadda xidhiidho layeelato oo qof ka aad barato aanu xidhiidhkiisu si sahlan kaaga lumin waa arrin qiimaheeda leh. Cidda aad goob shaqo ka garanaysaa waxay noqon kartaama calinkaagii hore, saaxiib kaa oo aad isku arday ahaydeen, la taliyahaagii ardaynimo, shakhsi aad is barateen oo aad xidhiidhkiisa xoojisay, qof ehelkaaga ah iyo qof aad hore goob uga soo wada shaqayseen oo ku kalsoon dhaqankaaga, aqoontaada iyo kartidaadaba.




Ka waran imisaad aragtay, shaqo aan la soo xayaysiin oo qof saaxiib kaa ahi ku guulaystay?
Imisaad aragtay iyadoo qof saaxiibkaa ah uu ku leeyahay goob shaqo ayaan tagayaa oo tartan loo galayaa? Oo lama xayaysiin ee sided ku ogaatay, waxaa ii soo sheegay qof shirkadda ka shaqeeya?
 
Ma ogtahay shirkadaha ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee dhulka Somalida in aan inta badan la baahin shaqooyin ka banaan, balse loo xayaysiiyo hab ah xidhiidh bulsho iyo waxaanu u baahanahay qof khibrada noocaasi ah leh waayo waa sharaaig gaar ah oo aan haysan adeegyadii dawladnimo ee ahaa sugida hantidooda iyo maalkooda, sidaasi darteed waxay u baahan yihiin cid ay heli karaan oo damiin buuxa ka noqota qofka shaqadaasi helaya. Miyaanay ahayn in markaasi in aad isku daydo in aad bulsho badan barato, ku xidhnaanto, si fursadaha aan habka rasmiga ahayn u baxaya aad ula kulanto.




 
Isku day in aad kordhiso xidhiidhkaaga bulshada iyo inta aad bulshadaad la nooshahay aad ka taqaan – tus kartidaada, aqoontaada, daacadnimadaada iyo waayo aragnimadaada – waxay kuu fududayn in aad fursado badan hesho Illaahayna waa kugu guulayn.




 
Tixgalin
@Somali Jobs
Comments Off on 10 HAB OOD KU HANAN KARTO FARXADAADA SHAQO

10 HAB OOD KU HANAN KARTO FARXADAADA SHAQO

Posted by | March 19, 2018 | Careers

Waxay qaadanaysaa amin yar inaad tirtirto kalsamaantaada ilaa kalsamaan darro. Balse waxay qadanaysa wakhti badan iyo dedaal dibu cusboonaysiinta iyo helidda himmadaada iyo farxadaadii markale.  Talaabada u horayse’ee farxadaada shaqo waa noqoshada, ”Sarkaalka Sare Ee Hawlgalinta” iyo qaadida lahaanshiyahaaga nololeed iyo xirfadeed.

Continue reading »

Comments Off on Maxay loo shaqeeyayaashu kaa rabaan?

Maxay loo shaqeeyayaashu kaa rabaan?

Posted by | March 19, 2018 | Careers

Lix arrimood ayay loo shaqeeyayaashu ku qiimeeyaan shaqaalaha ay qaadanayaan. Lixdaasiba waxaa lagaa rabaa in aad muujiso in aad kartidooda leedahay. Kursiga & miiska waraysiga shaqo, haddii aad fursad u hesho waa mid mashquul badan oo aad ogtahay in ay hawl badan kaa horayso oo aad kula tartamayso tartamayaal cidhiidhsanaya halka aad rabto in aad gaadho. Marka aad isku hubsato fadhiisashada miiska waraysiga shaqo waxaa lagaa rabaa in aad muujiso in aad tahay qofkii ku habboonaa shaqadan laguu waraysanayo, il-bidhiqsi kastaa wuxuu kuu yahay dahab aad isku iibin karto – lixdan arrimood ayay loo shaqeeyayaashu kugu qiimaynayaan isla markaana kaa raadinayaan;

Continue reading »

Comments Off on Maxaa kuu qorshe ah sannadka cusub ee #2018.

Maxaa kuu qorshe ah sannadka cusub ee #2018.

Posted by | March 19, 2018 | Careers

Haa, waa mar kale iyo sannad cusub iyo fursad Illaahay SWT ku siiyay – imisaaa saaxiib & ehel aynu jeclayn fursadan aad hadda haysato ee aad qoraalkan ku akhrinayso aan haysan. Sannad kasta oo innoo bilawda waxaynu filanaa rajo cusub iyo yididiilo cusub oo ah – In Sha Allah sannadkan ayaad wax badan gaadhi doontaa, wax badan aad hanan doontaa ogolaansha Illaahay dartiis.

Fursada Illaahay SWT ku siiyay – waa lama huraan in aad si heersare ah u qorshayso sidii aad uga faaiidaysan lahayd inta aad wakhti ku leedahay. Illaahay SWT wuxuu innoo sheegay in lagu waydiin doono waxa aad ku qabatay wakhtigaagii qiimaha lahaa ee lagu siiyay. U diyaar garowga aakhiro & u tabcashada quudashada xaalasha ee Illaahay inna Faray.

Continue reading »

error: Content is protected !!