This job listing has expired and may no longer be relevant!
1 Apr 2018

Tartan Jagooyin Banaan oo Macallinimo

Job Description

Jamhuuriyada Federaalka ةيلارديفلا لاموصلا ةيروهمج
Soomaaliya
Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle يليبش ريه ةلود
Wasaaradda Waxbarashada,Dhal & Isboortiga ةضايرلاو بابشلاو ميلعتلا ةرازو

 

Reff. DG/MOE/0019/2018

31/03/2018

Ujeeddo: Tartan Jagooyin Banaan oo Macallinimo

Wasaaradda Waxbarashada,Dhal & Isboortiga Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle waxay u soo bandhigaysaa macallimiinta soomaaliyeed tartan furan oo loo galaayo jagooyin ka bannaan wasaaradda waxayna kala yihiin sidatan hoos ku xusan:

  1. Macallin wax ka dhigaya dugsiga hoose( Fasalka 1-4)
  2. Macallin wax ka dhigaya dugsiga dhexe(Fasalka5-8)

F.G Macallimiintaas waxaa la doonayaa inay ka howl galaan dugsiyada dowladda ee ku yaalla dowlad goboleedka Hirshabelle.

Tayada iyo shuruudaha laga rabo baraha wax ka dhigaya dugsiyada hoose iyo dhexe:

  1. Shuruudaha aqbalaadda codsiga
  2. Inuu leeyahay aqoon gaaraysa heer jaamacadeed oo qeybta waxbarashada (Bachelor of Education) ama dibloma laba sano ah oo qeybta waxbarashada(Diploma of Education)
  3. Inuu ku gudbo ugu yaraan 70% imtixaanka qaadashada macallimiinta ee wasaaradda.
  4. In da’diisu u dhaxayso 22-50
  5. Macallinku waa inuu deggen yahay maamul goboleedka Hirshabelle uguyaraan 2 sano
  6. Qodobada laga fiirinaayo tartamaha
  7. Inuu ka soo qaatay tababar macallinimo Jaamacad/Machad ay Wasaaradda Waxbarashada aqoonsan tahay.
  8. Inuu leeyahay khibrad macallinimo oo ugu yaraan laba sano ah.
  9. Inuu dhigi karo ugu yaraan afar maadooyinka dugsiyada hoose iyo dhexe lagu dhigo.

Tel: 0618119211, 0619693927 | Email: moe.hirshabellestate@gmail.com

Jowhar, Somalia

Jamhuuriyada Federaalka ةيلارديفلا لاموصلا ةيروهمج
Soomaaliya
Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle يليبش ريه ةلود
Wasaaradda Waxbarashada,Dhal & Isboortiga ةضايرلاو بابشلاو ميلعتلا ةرازو

 

  1. Inuu jir ahaan iyo maskax ahaanba caafimaad qabo.
  2. Inuusan lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimmi karta.
  3. Inuu leeyahay akhlaaq fiican iyo dulqaad, kana fayow yahay cudurada lays qaadsiiyo, aanu lahayna iin wax u dhimmi karta gudashada xilkiisa.
  4. Inuusan horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay
  5. Inuu oggol yahay in uu saxiixo heshiis isla markaasna uu ka shaqeynayo dugsiga loo diro.
  6. Waa in uu yahay Soomali degan dowlad goboledka Hirshabelle.
  7. Inuu aadi karo kana shaqaynkaro dhamaan degmooyinka tuulooyinka dowlad goboleedka Hirshabelle oo dhan.
  8. Soo dalbashada dumarka aad ayaa loogu dhiira galinayaa.

 

  1. T) Qaabka loo soo codsanayo shaqadaan

Codsanidihii isku arka inuu buuxinayo shuruuadahan kor ku xusan wuxuu si xushmad leh u soo diryaa CV ga ,warqada codsigsaiyo shahaadooyinkaka ah ee tilmaamayso sida uu shaqaadan ugu haboonyahay emailkanmoe.hirshabellestate@gmail.com Sidoo kale wixii faahfaahin ah kala xiriir la xiriir wasaaradda waxbarashda Hirshabelle telfonada kala ah 0618119211 iyo 061969392.

Qabashada araajidu waxay bilaabanaysaa 01/04/2018 waxay na ku egtahay 18/04/2018

F.G: Cv ama application aan lagu soo dirin emailkan kor ku xusan lama aqbali doono inshaa alah.

Mahadsanidiin

 


Apply for this Job

error: Content is protected !!