17 Jun 2017

Madaxa Warbixinada,Teknoolajiyada iyo isku xirka ( ICT Officer )

POSITION TITLE| XILKA LA RAADINAYO:

NOTE: This job listing has expired and may no longer be relevant!

Job Description

Baahin Fursado Shaqo oo ka Bannaan
Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka JFS

_______________________________________________________________________________
CODSIGA SHAQADA WAXA UU FURAN YAHAY: 14-Jun-2017—-28-Jun-2017
EMAIL: gsecretarybfc@gmail.com/ bfc.commission@gmail.com
Hey’adda: Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Fursadda
Shaqo: Madaxa Warbixinada,Teknoolagiyada iyo isku xirka ( ICT Officer )
Goobta Shaqo: Muqdisho-Soomaaliya
Hordhac:
Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka waa mid kamid ah
hey’adaha dastuurkiga ah ee qaranka Iyadoo la raacayo qodobada dastuuriga ee ku
xusan dastuurka sida ku meelgaarka loo ansixiyay 2012 gaar ahaan qodobka 49 iyo
111 xarafkiisa E.
Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka waa guddi ay soo ansixiyeen
GolahaWasiiradda ee xukuumada Federaalka Soomaaliya 07-May-2015 waxaana cod
kalsooni ah ku ansixiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 6-july-2015.
Guddiga qaranka ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya waa Guddi ka kooban 9
xubnood lehna hawlwadeeno shaqada ku caawiya oo ay ka midyihiin
lataliyaal,khuburo iyo hawlwadeeno xafiis oo ka shaqeeya dhamaan Dawladgoboleedyada
dalka kana hirgaliya hawlo wacyigalineed oo ku aadan hannaanka
Federaalka iyo waliba xog uruurin la xiriirta arimaha Soohdimaha gobolada iyo
degmooyinka.
Si loo beegsado ahdaafta Guddiga ee mustaqbalka dhaw waa in uu Guddigu helaa
khuburo dhinaca teknooligiyada iyadoo la adeegsanayo hababka casriga ah ee xogaha
lagula wadaago bulshada.
Madaxa Warbixinada,Teknoolagiyada ( ICT Officer )
Waajibaadka Xafiiska ICT;
o Hoggaaminta qaybaha kala duwan ee xafiiska ICT iyo casriyaynta qaabka
wadashaqeeneed ee xafiisyada Guddiga guud.
o Maaraynta iyo isku dubba-ridka,kombiyuutarrada (computers),
aaladaha(softwares,anti-viruses,) iyo sidoo kale website Guddiga iyo dhamaan
baraha xiriirka Guddiga iyo dadweynaha.
o Hub sashada iyo daba-galka warbixinada dadwaynaha lala wadaago.
o Samaynta baraha xiriirka Guddiga sida emails ka
o Kasoo dhalaalista wadashaqaynta guud ee dhamaan waaxaha Guddiga
o Samaynta database ay ku kaydsan yahiin dhamaan Xogaha Guddiga iyo qaab
dhismeedka waaxaha Guddiga
o La socodka adeegyada tiknoolagiyeed ee lagu hormarinkaro hawlaha Guddiga
Shuruudaha looga baahanyahay
 Inuu yahay Soomaali.
 In dhimirkiisu taamyahay.
 In aan danbi maxkamad xukuntey galin
 Ugu yaraan waa in uu haystaa shahaadada 1aad ee jaamacada (bachelor
degree) oo la xiriirta IT ama Computer Science iyo wixii la xiriira.
 Inuu lee yahay ugu yeraan 3 sano oo khibrad shaqo ah oo la xiriirta howlaha
IT,Maamulka iyo Maaraynta .
 In uu ku hadli karo islamarkaana qori karo ugu yeraan luuqadaha
Soomaaliga, iyo Ingiiriska
 In uu ku shaqayn karo dhamaan Shuruucda iyo Mabaa’dida u yaalla Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.
Fadlan CV,Cover letter ku soo dir
gsecretarybfc@gmail.com/ bfc.commission@gmail.com

Advertisement

Apply for this Job