3 Dec 2017

 SHAQOOYIN (27 AGAASIME GUUD IYO XOOGHAYE JOOGTAYAAL )

POSITION TITLE| XILKA LA RAADINAYO:

Job Description

SHAQOOYIN (27 AGAASIME GUUD IYO XOOGHAYE JOOGTAYAAL )
Si loo dhaqangeliyo qorshaha isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta, waxaaDawladda Federaalka ka go’an si caddaalad ah oo siman in dadka Soomaaliyeed ay ku helaan shaqooyinka, qof walba na lagu qiimeeyo aqoonta uu u leeyahay shaqada loo dhiibayo. Hoos ka eeg shaqooyinka ka bannaan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Shaqooyinka Bannaan

Waxaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ka bannaan jagooyinka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Federaalka, Agaasinka Bii’ada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaaraha iyo Xog-hayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Si aad u soo codsato fadlan la soo deg labada fayl ee hoos ku lifaaqan. Faylka kowaad waxa uu faahfaahin kooban ka bixinayaa habka loo marayo xulashada tartamayaasha iyo shuruudaha looga baahan yahay tartamayaasha. Faylka labaad waxaa soo buuxinaya tartamayaasha, waxana ay ku soo dirayaan emailka hr@opm.gov.so ugu danbeyn 17 Diisembar, 2017 11:59 fiidnimo (saqda dhexe) https://opm.gov.so/shaqooyin.

Degso (download): Talobixin Kooban
Degso (download): Arjiga Codsiga Shaqada

 

Advertisement

Apply for this Job