This job listing has expired and may no longer be relevant!
7 Nov 2018

DIB U RAADIN LA TABOBARAYAAL

Job Description

DIB U RAADIN LA TABOBARAYAAL

Xafiiska Hanti-Jire waa xafiis ka shaqeeya diyaarinta iyo ka talo-bixinta arrimaha xisaabaadka,  maamulka, hoggaaminta,  curinta (innovation) iyo dariiq-xarriiqashada (strategy).

Waxa farxad noo ah in aanu mar  labaad bulshada la socod siino in aanu qaadan doono afar (4) qof oo si lacag la’aan ah loogu tabobaridoono xisaabaadka, maamulka, hoggaaminta curinta fikradaha iyo dariiq-xarriiqashada.  Naadintan labaad waxa ay ka bilaabmaysaa 8 Noofambar waxaana ay ku dhammaanaynsaa 14 Noofambar saacaddu marka ay tahay 2 duhurmino oo gaw ah. Shuruudaha looga baahan yahay dadkaaanu qaadanaynaa waa kuwan hoos ku cad:

  1. Qofku waa in uu sitto ugu yaraan shahaado jaamacadeed (Degree). Waxaaanu doorbidaynaa maamulka iyo maaraynta (Business adiminstration), xisaabaadka (Accounting/Finance), sharciga (Law), dhaqaalaha (Economics) iyo horumarinta bulshada (Social development).
  2. Waa in uu hantijire@gmail.com kusoo diro warbixin shaqsiyeedkiisa (CV) oo dhamaystiran oo shahaadooyinkiisuna iyo wixii lifaaqyo kale muhiim ah inay ku lifaaqan yihiin.
  3. Waa in uu degan yahay Hargeysa waxbarashadanna u diyaar yahay ugu yaraan muddo lix bilood ah.

Hanti-Jire waxa uu mar labaad ku faraxsan yahay in uu bixiyo tabobarka arrimaha kor ku xusan annaga oo jeclaysanayna in aanu u adeegno bulshadayada.

Alle ayaa Mahad Leh,

Hanti-Jire

 


Apply for this Job

error: Content is protected !!