This job listing has expired and may no longer be relevant!
14 Apr 2019

Baahin Codsi Adeegyo diyaaradeed oo ah tikidho iyo xamuul qaadis

Job Description

JamhuuriyaddaFederaalka ee Soomaaliya

WasaaraddaWaxbarashada, Hiddaha&TacliintaSare

جمهوريـة الصـومــال الفيدرالية

وزارة التربيــة والثقافة والتعليم والعالى

 Taariikh: 13/04/2019

CODSI SOO GUDBINTA DANEYNTA DAABULISTA DHANKA HAWADA AH EE SHAQAALAHA IYO WARAAQAHA IMTIXAANKA QARANKA EE SANNAD DUGSIYEEDKA 2018/2019

Horudhac

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare (WWH&TS) waxay dooneysaa in ay hesho shirkad diyaaradeed daabusha Shaqaalaha iyo Waraaqaha Imtixaanka Fasalka Afraad ee Dugsiga Sare, kadibna dib ugu soo celisa magaalada Muqdisho. Sidaasi awgeed, Wasaaraddu waxay ugu baaqeysaa shirkadaha buuxin kara shuruudaha hoos ku qoran isla markaasna daneynaya shaqadan in ay ka soo qeybgalaan tartankan.Shirkadaha waxa lagu martiqaadayaa in ay soo arkaan xarunta imtixaanaadka iyo shir loogu faahfaahinayo qaabka loo soo dalbanayo shaqada, la xidhiidh examination@moe.gov.so si aad isku diiwaangeliso.

Macluumaadka shaqada

  • Shaqada la qabanayo waa daabulistashaqaalaha iyo waraaqaha imtixaanka qaranka ee laga qaado sanad waliba ardayda Fasalka Afaraad ee dugsiga sare; iyada oo sanadkaan loo daabacay arday gaareysa 33,000. Goobaha la tagayo waa 15 magaalo oo dalka gudihiisa ah, tirada shaqaalaha tageya goobahaa kala duwana waa 60 shaqaale ah guud ahaan.
  • Magaalooyinka la tegayo waxay kala yihiin: Dhoobleey, Kismaayo, Garbahaareey, Baardheere, Luuq, Baydhabo, Xudur, Beledweyne, Buuloberde, Jawhar, Cadaado, Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Guriceel iyo Gaalkacyo.
  • Waqtiga la doonayo agabka iyo shaqaalaha in la geeyo magaalooyinkaa waa May 7, 2019 maalinta la soo celinayana waa May 16, 2019
  • Waraaqaha waxa Wasaaraddu ku xiri doontaa sanaadiiq bir ah, Culeyska alaabta guud ahaan waa qiyaas dhan 25,000KG oo ku jiri doonta qiyaas dhan 420 sanduuq.

Shuruudaha hordhaca ah,

Shirkadaha tartamaya waxaa laga rabaa in ay soo gudbiyaan:

  1. ShahaadadaHay’adda duulista rayidka iyo saadaasha hawada ama Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadaasha Hawada,
  2. Shati ganacsi oo ansax ah (Wasaaradda Ganacsiga Federaalka/Gobolka),
  3. Caddeyn canshuur bixin ka diiwaan gashan Wasaaradda Maaliyadda,
  4. Dokumentiyada farsamo iyo midda qiime ee hoos ku xusan

Shuruudaha faahfaahsan (soo gudbi dokumentiyo cadeynaya shuruudahan)

Tartamayaasha ka soo gudba shuruudaha hordhaca ah waxaa lagu kala saarayaa shuruudo faahfaahsan oo ah sidan soo socota:

  1. Caddeynta khibradda shirkaddu u leedahay hawlahan oo kale (Tax ugu yaraan 3 shaqo oo hore oo aad si wanaagsan u qabatay iyo cidda aad la gashay heshiiskaa).
  2. Nooca diyaaradda ku haboon rakaabka iyo mid xamuulka ah (Sheeg modelka, tixraaca diyaaradda, sannadka la soo saaray, shahaadooyinka caddeynaya tayada diyaaradda, iwm).
  3. Shaqaalaha ka shaqeynaya hawsha (Soo gudbi CV-yada Mas’uulka shaqadan aad ugu talogashay, Pilot-ka iyo Engineerka).
  4. Adeegyada dheeraadka ah ama qaabka shaqo (Tax agabka rarista iyo dejinta iyogaadiidka shaqaalaha iyo agabka ka soo qaada magaalada oo geeya garoonka diyaaradaha ama ka soo qaada garoonka oo geeya magaalada)
  5. Wakhtiga ay shirkaddu ku qaban karto hawsha (Sheeg haddii waqtigaagu waafaqayo waqtiga Wasaaraddu ugu talogashay in shaqadan la qabto iyo in kale).
  6. Awooda dhaqaale ee shirkadda (Soo gudbi warbixin bangi “bank statement”)
  7. Qiimaha shirkaddu ku qabaneyso hawsha oo faahfaahsan, u soo gudbi saddex siyaabood:
  • Qiimaha magaalo walba ee 1kii tigidh iyo 1kii kiloama
  • Diyaarad xamuul ah iyo mid rakaab ah oo ah “multi-leg” oo u daabula xamuulka iyo shaqaalaha magaalooyinka taas oo middiiba tahay 1baloog “11saac ah” maalinta hore iyo 1 baloog “11saac ah” maalinta soo celinta, baloogyada waxa aad u qeybin kartaa laba maalmood, shirkadaha kalena waxa aad la geli kartaa heshiis hoosaad “subcontract” meelaha qaar haddii Wasaaraddu ogolaato laakiin mas’uuliyadda shaqada sinaba kaama wareegi karto.
  • Intaa waxa dheer, soo gudbi Qiimaha gaadiidka dhulka oo ah magaalada illaa iyo garoon diyaaradeed walba oo ay ku jirto Muqdisho (Qiimaha halkii gaadhi ee halkii magaalo).

Booqashada

Xulashada waxa ka mid noqon doonta qiimeyn ka dhalata booqasho lagu soo eego diyaaradda/agabka iyo xarunta shirkada si loo ogaado in qandaraaska shirkaddu soo gudbisay uu run yahay.

QAABKA UU U DHACAYO TARTANKU:

  1. Dhammaan tartamayaashu waxa ay soo gudbinayaan codsi tilmaamaya qiimaha guud iyo laba baqshadood oo xiran oo midi ku jiraan waraaqaha farsamo midna ay ku jiraan waraaqaha qiimahakadibna ku sii dhexjira bashqad sare (saddexda oo kala gaar ah)waxayna ku ridayaan sanduuq xiran oo yaalla Xafiiska Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda, Xarunta Km5 ee Waddada Afgooye,ugu dambeyn 25/Apr/2019, 9:00subaxnimo
  2. Maalin loo asteeyey ayaa la wacayaa dhammaan tartamayaasha, baqshad kastana waxaa lagu hor furayaa wakiillada shirkadaha tartamaya si daahfuran waxaana lagu dhawaaqayaa magaca iyo qiimaha shirkad walba.
  3. Intaas kadib, guddiga ayaa qiimaynaya tartanka iyada oo aysan la joogin tartamayaashu, waxaana shir dhacaya maalmo kooban gudahood lagu dhawaaqayaa natiijada shirkadda ku guuleysata tartanka.


Apply for this Job

error: Content is protected !!