Wordpress job board software

FURSAD KA BANNAAN BAAHINTA FARRIIMAHA WACYI GELINTA EE GUDDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA

  • Anywhere
  • Contract/Consultancy
  • Job category:
  • Post date:14 Nov 2019
  • Job expires in: Endless
  • Share job:

Job Description

FURSAD KA BANNAAN BAAHINTA FARRIIMAHA WACYI GELINTA EE GUDDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qarank (GMDQ) Soomaaliya waxuu u soo bandhigayaa dhamaan shirkadaha warbaahiinta muuqaalka (TV) iyo Maqalka (Radio) in ay u tartamaan baahinta fariimaha wacyigelinta doorashooyinka Soomaaliya

  • Hadaba, iyada oo laga duulayo baahida loo qabo in dadweynaha Soomaaliyeed la gaarsiiyo farriimo koo-kooban, oo sare u qaada wacyiga iyo aqoonta dadweynaha Soomaaliyeed ee doorashooyinka, wuxuu Guddigu soo bandhigayaa fursad ay ku soo gudbiyaan araajida shirkadaha warbaahineed ee xirfadda iyo awoodbda u leh baahinta farriimaha wacyi gelinta doorashooyinka.

Shirkadaha warbaahineed ayaa waxay baahin doonaan fariimo wacyigelineed oo maqal iyo muuqaal ah oo Guddiga Doorashooyinku uu diyaarisay.

  1. Mowduucyada Farriimaha

Fariimaha  warbaahinta laga baahin doono ayaa tira ahaan gaaraya 5, kuwaas

  • ku kala saabsan mawduucyada soo socda:
  1. Farriin ku saabsan Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo bulshada Soomaaliyeed la barayo iney tahay hay’ad qaran oo dastuuri ah oo madaxbannaan, dhex-dhexaad ah una xil-saaran abaabulidda, maaraynta iyo hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ee qof iyo codka ah.
  2. Maxay tahay doorasho iyo muhiimadda ay doorashada 2020ka u leedahay bulshada Soomaaliya.
  3. Xuquuqaha iyo waajibaadka doorasho ee muwaadinka Soomaaliga ahi leeyahay
  4. Xisbiyada siyaasadda, diiwaan gelintooda, doorkooda iyo muhiimadooda dowladnimada iyo dimuqraadiyada.
  5. Xuquuqda haweenka Soomaaliyeed ee la xiriirta siyaasadda, xisbiyada iyo doorashooyinka.

 

  1. Shuruudaha Shirkadaha u tartami kara baahintan:

Shirkada warbaahinta ee guuleysta waxa ay farriimaha diyaarsan ee maqalka iyo muuqaalka ah ka baahin doonaan warbaahinta rasmiga ah iyo kuwa ay ku leeyihiin baraha bulshada sida Facebook, YouTube, iyo Twitter

  1. b) Shuruudaha xulashada baahiyaha farriimaha maqalka ah
  • In idaacadda/warbaahintu sumcad wanaagsan ku leedahay dadweynaha Soomaaliyeed.
  • In idaacaddu gaarto ama laga dhegeysto ugu yaraan 3 gobol oo ka mid ah Soomaaliya.
  • Haddii aan laga dhegeysan idaacadda ugu yaraan 3 gobol, waa in ay heshiis wada shaqeyn la lahaato idaacado ka hawl-galo goobaha aysan iyadu gaarin oo farriintana sii baahiya, kuna caddahay arjigooda
  • In ay idaacaddu soo bandhigto kharashka ku baxaaya baahinta farrimahan iyo faah-faahinta la xiriirta waqtiyada ay farriintu baxayso iyo inta jeer ee maalinka la sii deynaayo.
  • In baraha bulshada (Facebook, YouTube & Twitter) ee shirkadahan warbaahinta ku xiranyihiin shacab ugu yaraan 50 kun oo qof.
  • In Raadiyaha uu heystaan shati dowladeed oo shaqeynayo.
  • In Raadiyaha uu heystaan laba (2) hishiis ugu yaraan oo hore oo la xiriirta shaqadaan wacyigilinta ah.
  • In Raadiyaha uu soo raaciyo warqad codsi ah
  1. t) Shuruudaha xulashada TV ga baahinaya farriimaha muuqaalka ah
  • In muuqaal baahiyuhu sumcad wanaagsan ku leeyahay dadweynaha Soomaaliyeed.
  • In muuqaal baahiyuha dunida dhan laga daawado (ku xiranyahay satellilte-ka)
  • In baraha uu ku leeyahay warbaahinta bulshada (Facebook, YouTube & Twitter) ay ku xiranyihiin dad ka badan 50K
  • In TV-gu soo bandhigo kharashka/ qiimeynta ku baxaaya baahinta farrimahan iyo faah-faahinta la xiriirta waqtiyada ay farriintu baxayso iyo inta jeer ee maalinka la sii deynaayo.
  • In TV-ga uu heysato shati dowladeed oo shaqeynayo.
  • In TV-ga uu heysato laba (2) hishiis ugu yaraan oo hore oo la xiriirta shaqadaan wacyigilinta ah.
  • In Tvga uu soo raaciyo warqad codsi ah

III. Qaabka Codsi soo gudbinta

Fadlan, cosigaaga oo dhamaystiran, sida ku xusan shuruudaha, ku soo hagaaji email: bids@niec.so

fadlan subject line ku muuji:

  1. Magaca TV ama Raadiyaha
  1. iyo cinwaankan:  BAAHINTA  FARRIIMAHA  WACYI  GELINTA

DOORASHOOYINKA

Taariikhda codsigan oo ku ekaa November 7, 2019, waxaan u kordhinay mudada soo gudbinta araajida waxayna ku egtahay November 28, 2019

NB: Codsigii ka dambeeyo taariikhda kor ku xusan waxaa laga reebayaa xulashada.

Address: Muqdisho, Villa Somalia                                Tel: +252613611116

Apply for this Job

  • No Tags

2004 total views, 1 today

Top