This job listing has expired and may no longer be relevant!
8 Jul 2018

Khabiir Manhajka Wacyigelinta Cod

Job Description

Warbixin Guud

Magaca Shaqada Khabiir Manhajka Wacyigelinta Cod
Bixiyaha (5 Boos)
Magaca loo shaqeeyaha Guddiga Madaxabannaan ee
Doorashooyinka Qaranka (GMDQ)
La shaqayn doono Agaasimaha Wacyigelinta Cod Bixiyaha
Saldhiga Shaqada Mogadishu
Taariikhda la bilaabay shaqo xayaysiinta 08/07/2018
Taariikhda ay ku eg tahay shaqo 14/07/2018
xayaysiinta
1.  Gogol dhig:

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) waxa uu hadda ku hawlanyahay hirgelinta istiraatiijiyaddiisa si uu u guto waajibaadkiisa dastuuriga oo ah in uu waddanka ka qabto doorashooyin guud oo loo dhanyahay oo xor iyo xalaal ah sannadka 2020. Si loogu suurta geliya in dadka Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda doorasho, looguna diyaariyo axsaabta siyaasadda in ay doorkooda qaataan, waxaa lagama maarmaan ah in labaduba ay helaan wacyi gelin iyo waxbarasho ballaaran

oo dhanka doorashooyinka ah. Sidaa darteed GMDQ waxa uu shaqaaleynayaa shan (5) khabiir manhaj (oo shaqeeya muddo kooban oo 30 cisho ah) oo ku xeel-dheer diyaarinta manhajka waxbaridda cod bixiyaha iyo agabkii lagu fulin lahaa manhajka .

  1. Ma’suuliyadaha waaweyn ee shaqadan leedayah:
  1. Qabashada hawlaha la xiriira diyaarinta manhajka waxbarashada cod bixiyaha iyo dhammaan tilmaamaha/agabka fulinta.
  2. In uu/ay kala shaqeeyo/so Agaasimaha waaxda wacyi gelinta iyo shaqaalaha waaxda diyaarinta qorshe u jeeddadiisu tahay in lagu diyaariyo manhajka muddo 30 cisho ah.
  3. In uu/ay keeno/keento talooyin loogu tala galay qaabeynta habka ugu habboon ee loo faafiyo looguna gudbiyo qalabka waxbarashada dadweynaha iyo axsaabta siyaasadda iyada oo maanka lagu haayo in manhajkan loogu tala galay in uu ka jawaabo baahiyaha dhamaan bulshada Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo kooxaha la faquuqo.
  4. Shaqada iyo wax qabadka khabiirka waxaa isku duwi doona, koormeeri doona lana socon doona Agaasimaha waaxda wacyi gelinta.
  5. Iyo waajibaadyo kale oo la xiriira shaqadan marka ay soo baxaan

 

  1. Waayo Aragnimada:
  1. In uu/ay leeyahay/leedahay ugu yaraan waayo-aragnimo 10 sano oo ah oo la xiriirta diyaarinta iyo gudbinta manaahijta.
  2. In uu/ay leeyahay/leedahay khibrad 5 sanno ah oo la xiriirta u diyaarinta iyo qaabeynta agab waxbarasheedka ardayda oo ay ku jiraan dadka waaweyn.
  1. Aqoonta:
  1. In uu/ay haystaa/haysataa shahaadadda heerka labaad oo dhanka waxbarashada ah (Masters of Education).
  2. Shahaadada heerka kowaad iyo waayaragnimo dheer oo waxbarashada (Diyaarinta Manhajka).
  3. In uu/ay aqoon u leeyahay/leedahay waxbaridda cod bixiyaha iyo wareegga doorashada iyo hawlaha la xiriira.
  4. In uu/ay fahmi karaa/kartaa baahiyaha waxbarasho/wacyi gelin ee codeeyaha una diyaarin karaa/kartaa barnaamijyo iyo wadiiqooyinka gudbinta ee ku habboon.
  5. In uu/ay awood iyo aqoon u leeyahay/leedahay tarjumidda xamili karaana cadaadis shaqo iyo mid waqtiba.
  6. In uu/ay aqoon ballaaran u leeyahay/leedahay isticmaalka computer-ka.
  7. In uu/ay aqoon ballaaran u leeyahay/leedahay afafka Ingiriiska iyo Soomaaliga

 

  1. Dukumentiyada loo baahan yahay:
  1. Warqadda Codsiga
  2. CV gaaga ugu dambeeyay
  3. Koobiyada Shahaadooyinkaaga iyo dokumentiyada la xiriira
  4. Warqado tixraac oo ka socoto goobaha aad horay ooga soo shaqaysay

 

  1. Sida aad ku codsan karto Shaqadan:

Musharixiinta u qalma shaqadaan waxa ay u soo gudbin karaan dokumentiyada ku xusan qodobka 5, emailka niechire@gmail.com

(Fadlan cinwaanka emailka ka dhig (Voter Education Curriculum Expert)

  1. Fiiro Gaar ah:
  1. Kaliya murashaxiinta lagu marti qaado waraysi ayaa lala xiriiri doonaa
  2. Qofku waa in uu la yimaadda computer uu ku shaqeeyo


Apply for this Job

error: Content is protected !!