2 Dec 2018

Madoonaysaa Inaad Shaqo Wanagsan Heshid ama Adigu aad Abuuratid Ganacsi?

Job Description

Madoonaysaa Inaad Shaqo Wanagsan Heshid ama Adigu aad Abuuratid Ganacsi?

Haydaha SOS Children’s village Somaliland, 1% Club, Enviu iyo Shaqodoon waxay si wada-jir ah u hirgalinayaan mashruuca “The Next Economy” iyaga oo tabararo siinaya dhalinyarta caqabaduhu ka haystaan inay ku xidhmaan suuqa shaqada ama u baahan in laga caawiyo si shaqo fiican ay u helaan ama u bilaaban lahaayeen ganacsigooda gaarkaa u ah. Hayadaha SOS, 1%Club, Enviu iyo Shaqodoon

waxa ay ku wargalinayaan dhamaan dalinyarada Somaliland gaar ahaan dhalinyarada ku nool magaalada Hargeisa inay bilaabayaan mashruuca NEXT ECONOMY oo ka taageeri doona dhalinayada dhinacyada shaqo – abuurka iyaga oo qaadan doona tabaaro kala duwan mudo lix bilood ah oo ku saabsan:

  1. Sida loo Samaysto/abuurto- Ganacsi
  2. Sida loo raadiyo loona Helo shaqo wanaagsan – Shirkadaha ganacisga, dawlada, hayadaha maxaliga, iyo hayadaha caalamiga

Mashuurca “Next Economy” waxa ka faaiidaysan doona 700 dhalinyar ah muddo afar Sanno ah, Sannadka 2019 waxa la qaadanayaa dufcadii shanaad oo ah 100 (gabdho iyo Wilal).

Shuruudaha laga Rabo Dhalinyarada

  1. Da’ada 15-30 Jir
  2. Heerka Waxbarasho:
    1. Dugsi sare dhamaystay ama ku jira.
  1. Dugsi fasamada gacanta –ku jira/dhamaystay
  • Jaamacad – ku jira/dhamaystay
  1. Waa in aanu shaqaynin wakhti xaadirkan.
  2. Waa in uu muujiyaa doonista in uu shaqo abuurto ama uu shaqo helo.
  3. Waa inuu yahay qof leh hal abuur ganacsi.
  4. Waa in wuu leeyahay Ciwaan laga heli karo ama qof lagala soo xidhiidho.
  5. Waa inuu yahay qof ka bad qaba noocyada kala duwan ee balwadaha

Sida loo soo codsanayo: Dhalinyarada xiisaynaysa mashruucan waxay ku soo hagaajinayaan waraaqahooda CODSIYADA/Application& CV-goobaha xafiiska Hay’ada SOS ee Hargeisa ama wuxuu ku soo diri karaa online; e-mail: Next.Economy@sos-somaliland.org ,

website: www.next-economy.com. Codsashadu waxay ka bilaabmaysaa: 2nd December 2018 waxay ku egtahay 11th December 2018.


Apply for this Job

error: Content is protected !!