This job listing has expired and may no longer be relevant!
10 Jun 2019

TOR For Video Production

Job Description

Hordhac

Dastuur ku meel gaarka ah ee JFS ee la ansixiyay 2012kii qodobkiis 111 farqadiisa G waxa uu caddeynayaa dhismaha iyo jiritaanka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ). 2015kii waxaa la sameeyay GMDQ; waxa uuna noqday guddigii doorasho ee ugu horreeyay ee Soomaaliya yeelato. Guddigu waxuu awood sharci u leeyahay qaban-qaabinta doorashooyin guud oo qof iyo cod ah iyo afti dadweyne iyada oo la raacaayo dastuurka Jamhuuriyadda iyo sharciga 2015 ee lagu dhisay GMDQ.

Waajibka dastuuriga ah GMDQ waa in qof kasta oo Soomaali ah ee gaaray da’da codeynta helaa xaqa dastuuriga ah ee in uu doorto madaxda dalka iyo dadkii matali lahaa. Sidoo kale GMDQ waxaa looga fadhiyaa in ay cod-bixiyaha Soomaaliga ah baraan xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa.

Si muwaadiniinta Soomaaliyeed loo wacyi geliyo, GMDQ waxa uu sameeyay waaxda waxbarashada madaniga ah iyo wacyi-gelilnta codbixiyaha oo u jeddadeed tahay in la helo muwaadiniin Soomaaliyeed oo xog-ogaal u ah xuquuqdooda iyo waajibaadkooda doorasho.

Maaddaama dadka Soomaaliyeed intooda badani aysan arkin kana qayb-qaadan doorashooyin guud, wacyi-gelinta iyo waxbaridda codbixiyayaasha waa arrin lagama maarmaan ah baahi weynna loo qabo si geeddi-socodka doorashooyinka guul looga gaaro. Sidaa darteed Wacyi-gelinta codbixiyaha waxay laf dhabar u tahay hir-gelinta doorashada 2020ka.

Si dadka Soomaaliyeed ee wacyigooda iyo aqoontooda doorasho ay hooseyso looga dhaadhiciyo muhiimadda doorashada 2020 ay u leedahay dalka, waxuu GMDQ muhiimad gaar ah siinayaa diyaarinta iyo baahinta farriimo wacyi gelineed oo kala duwan. Farriimahan ayaa la rabaa iney noqdaan kuwo wax ku ool ah, si sahlan codeeyuhu u fahmi

karo, xiisa leh, kuna waaro maskaxda dadka ay gaaraan. Si haddaba, farriimahaas la tilmaamay loo helo, Guddigu wuxuu muhiim u arkay in wada shaqeyn ay dhex marto shirkadaha iyo xirfadlayaasha ku shaqeysta curinta iyo diyaarinta farriimaha xayeysiiska iyo wacyi gelinta.

U jeeddada Shaqada

Diyaarinta iyo baahinta farriimo wacyi gelin oo muuqaal ah waxaa loo arkaa iney tahay mid ka mid ah wadiiqooyinka ugu habboon ee dadka Soomaaliyeed loogu faah-faahin karo xuquuqdooda doorasho looguna dhiirri gelin karo iney ka qeyb qaataan doorashada 2020.

Farriimahan waxaa loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ee gaaray da’ada codeynta.

Qeexidda shaqooyinka

Shaqada uu qaban doono guuleystaha ayaa ah diyaarinta 5 farriimood oo muuqaal ah oo dhammaantood la xiriira wacyi gelinta doorashada 2020.

Guuleystaha waxa uu ka oo gudbin doonaa muuqaalka kasta oo ka mid ah shanta muuqaal:

  • Qorshe hawleed
  • Faah-faahinta muuqaalka uu sameyn doono oo isugu jirta sawirro is xig-xiga iyo qoraalka hadalka sawirradaa la socon lahaa (storyboard)
  • Qabya qoraalka koowaad ee muuqaalka oo GMDQ uu ku dari doono talooyin mug leh.
  • Qabya qoraalka labaad ee muuqaalka oo GMDQ uu ku dari doono talooyin iyo sixitaanno koo-kooban
  • Muuqaalka kama danbeysta ah.

Faah-faahinta Muuqaallada

Muuqaalka koowaad

Mawduuca: Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka

Muuqaalkan waxaa laga rabaa inuu koobo qeybaha soo socdo iyo kuwa kale haddii loo baahdo:

  • Aas-aaskii Guddiga
  • Waajibaadka Guddiga
  • Qiyamka Guddiga
  • Mission iyo vision ka Guddiga

Muuqaalka labaad

Mawduuca: Doorashada 2020 iyo muhiimaddeeda

Muuqaalkan waxaa laga rabaa inuu koobo qeybaha soo socdo iyo kuwa kale haddii loo baahdo:

  • Ku baraarujinta dadka Soomaaliyeed in 2020ka Soomaaliya ay ka dheceyso doorasho qof iyo cod ah (markii ugu horreysay in ka badan 50 sanno)
  • Sida ay doorashada 2020 uga duwantahay kuwii ka horreeyay
  • Muhiimadda ay doorashadaasi u leedahay waddanka

Muuqaalka sedaxaad

Mawduuca: Xuquuqda iyo waajibaadka doorasho ee muwaadinka

Muuqaalkan waxaa laga rabaa inuu koobo qeybaha soo socdo iyo kuwa kale haddii loo baahdo:

  • Xuquuqaha muwaadinka Soomaaliga uu leeyahay (kuwa siyaasadda iyo doorashada)
  • Waajibaadka saaran muwaadinka si xuquuqahaas uu u helo.

Muuqaalka Afaraad

Mawduuca: Diiwaan-gelinta cod bixiyaha

Muuqaalkan waxaa laga rabaa inuu koobo qeybaha soo socdo iyo kuwa kale haddii loo baahdo:

  • Waxay tahay diiwaan-gelinta cod bixiyaha
  • Muhiimadda ay leedahay diiwaan-gelinta cod bixiyaha
  • Yaa u xil-saaran diiwaan-gelinta cod bixiyaha
  • Yaa xaq u leh in la diiwaan geliyo

Muuqaalka Shanaad:

Mawduuca: Xisbiyada Siyaasadda

Muuqaalkan waxaa laga rabaa inuu koobo qeybaha soo socdo iyo kuwa kale haddii loo baahdo:

  • Waa maxay xisbi siyaasadeed?
  • Diiwaan gelinta xisbiyada iyo shuruudaheeda
  • Muhiimadda xisbiyada
  • Yaa sameysan kara ama ka mid noqon kara xisbiyada siyaasadda

Tilmaamaha Muuqaallada

  • Muuqaallada waxaa loo isticmaali doono in dadka Soomaaliyeed lugu wacyi geliyo doorashada 2020.
  • Muuqaallada waxaa laga baahin doonaa TV-yada iyo warbaahinta bulshada sida Facebook, Twitter & YouTube.
  • Muuqaalka waxaa loogu tala galay inuu gaaro ayna fahmi karaan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, dhallinyarada iyo dadka waaweyn intaba.
  • Tilmaamaha (specifications) muuqaalka la sameyn doono:
  • Muuqaal 1 daqiiqo soconaya
  • Leh sawirro (pictures and/or illustrations)
  • Leh music
  • Leh cod (voice over)
  • Leh qoraal

Goobta Shaqada

Guuleystuhu wuu u madax-bannaan yahay goobta uu shaqada ku qabanaayo, balse waa inuu diyaar u ahaado kulamo joogta ah oo uu la yeesho GMDQ.

Muddada Shaqada

Shaqadaan waxaa loogu talagalay iney ku dhammaato muddo 2 todobaad ah.

Kharashaadka Shaqada

Codsadaha waxaa laga rabaa inuu soo gudbiyo qiimaha lacageed uu ku qaban doono shaqada halkan ku faah-faahsan. (5ta muuqaal ee kiiba uu 1 daqiiqo soconaayo)

Aqoonta iyo Waayo-aragnimada

Codsaduhu waa inuu leeyahay aqoonta iyo waaya-aragnimada hoose:

  • Waa inuu waaya-aragnimo ballaaran u leeyahay diyaarinta muuqaallada koo-kooban ee loogu tala galay suuq-geynta iyo wacyi gelinta. Cadeynta waayo-aragnimadaas waa iney ku lifaaqantahay codsiga
  • Waa inuu awoodaa soo saaridda muuqaallo tayo sare leh.
  • Waaya-aragnimo 5 sano ah iney leeyihiin dadka sameynaayo muuqaalka.

Nidaamka Bixinta Lacagaha

Jadwalka Bixinta Lacagaha

20% wadarta Soo gudbinta qorsha hawleedka iyo Storyboard-ka
guud
20% wadarta Soo gudbinta qabya qoraalka koowaad
guud
30% wadarta Soo gudbinta qabya qoraalka labaad

guud

30% Soo gudbinta muuqaalka kama danbeysta ah

Dukumintiyada Codsiga:

Codsadayaasha daneynaya kana bixi kara shaqadaan waa iney soo gudbiyaan:

  • Warqad codsi ah
  • CV-ga hawl-wadeennada shaqada qaban doona
  • Cadeynta 3 shaqo oo tan la mid ah oo hore codsaduhu u qabtay
  • Kharashaadka shaqada lagu qabanaayo
  • 3 muuqaal oo tusaale ah
  • 3 tix-raac (refrences)

Soo Gudbinta Codsiyada

Codsiyada waxaa lagu soo hagaajinayaa email: bids@niec.so ugu danbeyn June24, 2019.

 


Apply for this Job

error: Content is protected !!