Wordpress job board software

BAAHIN QANDRAAS: ADEEGYADA NADAAFADDA 17 ka DEGMO ee Gobolka Banaadir, Somalia

  • Anywhere
  • Contract/Consultancy
  • Job category:
  • Post date:14 Jan 2021
  • Job expires in: 10 days
  • Share job:

Job Description

Maamulka Gobolka Banaadir

Dowladda Hoose ee Xamar

14/01/2021

TIX-RAAC# (BRA-001-2021)

BAAHIN QANDRAAS ADEEG QABASHO

Iyadoo ahmiyadda la siinayo daadajinta hawlqabadka adeegga Nadaafadda Caasimadda iyo in la horumariyo lana tayeeyo adeegga nadaafadeed ee caasimadda, sidoo kale la dhiiragalinaayo Ganacsatada gaarka ah si loo horumariyo ganacsiga iyo shaqo abuurka,

Waxa ay Dowladda Hoose ee Muqdisho ku casuumaysaa dhammaan shirkadaha gaarka ah (Private Companies) tartan Qandaraas bixin oo ku saabsan ADEEGYADA NADAAFADDA 17 ka DEGMO ee Gobolka Banaadir.

Dukumiintiga ka qaybgalka qandraaska (Tender Documents) oo dhameestiran waxa

diyaar ku yahay Xafiiska Waaxda Iibka & Qandaraasyada D/Hoose, Xarunta Aqalka D/Hoose ee Degmada Xamarweyne laga bilaabo 19/01/21, saacduna tahay 10:00 subaxnimo.

F.G. Qabashada Dokumiintiga Tartanka ee Shirkadaha waxa uu ku egyahay 26/01/2021 saacadda 12:00 duhurnimo, iyadoo si rasmi ah loo furi doono sanaadiiqda tartanka isla maalinta uu xirmaayo qabashada dokumiintiga.

Tartamahu wuxuu kusoo hagaajinayaa codsigiisa Xafiiska Waaxda Iibka & Qandaraasyada D/Hoose ee Muqdisho isagoo keenaya 2 Nuqul (original & copy) uu uga qeyb gelayo tartanka.

Wixii faah-faahin dheeri ah waxaad la xiriiri kartaa xafiiska Waaxda Iibka & Qandaraasyada D/Hoose adigoo ka wacaayo 0615528592 ama cinwaanka ah:  procurementofficebra@gmail.com

Dukumiintiga tartanka ee kasoo dib-dhaca waqtiga qabashada ee sare ku xusan lama aqbali doono. D/Hoose ee Muqdisho waxey xaq u leedahay iney aqbasho ama diido dukumiintiyada tartanka ee la xiriira baahinta Qandaraaskaan, sidoo kale waxey xaq u leedahay mar walba baabi’ínta qandaraaskaan ka hor inta uusan dhicin hishiis rasmi ah.

MAHADSANDIIN!

Apply for this Job

  • No Tags

767 total views, 1 today

Top