Wordpress job board software

Ma doonaysa inaad shaqo hesho ama ganacsi abuurto! – Hargeisa, Somaliland

  • Anywhere
  • Training
  • Job category:
  • Post date:19 Nov 2020
  • Job expires in: Endless
  • Share job:

Job Description

Ma doonaysa inaad shaqo hesho ama ganacsi abuurto!

SOS Children’s Village Somaliland waa Hay’ad caalami ah kana shaqeysa horumarinta arrimaha bulshada

– daryeelka caruurta waayey daryeelkii waalidnimo ama khatar ugu jira in ay waayaan.

SOS CV waxay Kobcin iyo Tababaro lagu xoojinaaya Awoodooda xagga wax soo saarka u samaysaa qoysaska aan awoodin inay caruurtooda siiyaan daryeelkii ay u baahnaayeed.

SOS CV waxay sare u qaadeysaa xuquuqda caruurta iyo dhalinyarta waxa ayna ku howlantahay ilaalinta xuquuqdooda. SOS Childrens’ Village Somaliland, sidoo kale waxa ay magaalada Hargeisa ka fulinaysaa barnaamijka loogu magac daray “ The next Economy” oo ah barnaamij shaqo abuur iyo shaqo raadis oo lagu tala galay dhalinyarta aan shaqaynin misna dhameesatay heerarka wax barasho sida, Dugsiga farsamada gacanta, dugsi sare, iyo dhalinyarta dhigata ama dhammeesaty waxbarasho jaamacadda.

Haydaha SOS Children’s Village Somaliland, waxa ay fulinaysaa mashruuca “The next Economy” iyaga oo tababaro siinaya dhalinyarta caqabaduhu ka heystaan in ay ku xidhmaan suuqyada shaqada ama u baahan in laga caawiyo si ay shaqo fiican u helaan ama ay u bilaaban lahaayeen ganacsigooda gaarka ah.

Haydaha SOS Children’s Village Somaliland, waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan dhalinyarada reer Somaliland, gaar ahaan dhalinyarta ku nool Magaalada Hargeisa in uu billaabanayo mashruuca “The next Economy” oo dhalinyarta ka taageeridoona dhinacyada shaqo abuurka iyaga oo qaadandoona tababaro kaladuwan muddo seddex ilaa lix bilood ah ugu yaraan oo ku saabsan,

Sida loo Samaysto/abuurto- Ganacsi

Sida loo raadiyo loona helo shaqo wanaagsan – Shirkadaha ganacisga, dawlada, hayadaha maxaliga, iyo hayadaha caalamiga.

Sannadka 2021 lixda bilooda hore waxaa la qaadanayaa  tiro gaadhaysa 120 ( gabdho iyo Willal).

Shuruudaha laga Rabo Dhalinyarada soo codsanaysa waa sidan hoos ku xusan:

Dada: 15 – 35 Sanno

HeerkaWaxbarasho:

Dugsi farsamada gacanta dhamaystay

Jaamacadda dhamaystay

Waa in uu yahay qof u heellan in uu shaqo helo ama uu ganacsi abuurto

Waa inuu yahay qof ka bad qaba noocyada kaladuwan ee balwadaha

Waa in aanu hore u soo shaqaynin..

Haddii aad danaynayso Fursadaan fadlan Soo buuxi buuxi link hoose https://next-economy.com/en/pages/registration-form-somalia

ku koobiyee link google.com.

wixii faahfaahin ah fadlan emailkan hoose kala soo xidhiidh.

E-mail: next.economy@sos-somaliland.org

Waxii faahfaahin taasi dheer fadlan Booqo Website: www.next-economy.com

Apply for this Job

  • No Tags

3696 total views, 1 today

Top