Wordpress job board software

Madaxa Iibka iyo Suuqgeynta (Sales and Marketing Manager) – Hargeisa, Somaliland

  • Anywhere
  • Full-Time

Job Description

Shaqo Cusub

19th November, 2020

Pooska: Madaxa Iibka iyo Suuqgeynta (Sales and Marketing Manager)

Kusaabsan Horn Afrik Real Estate

Shirkada Horn Afrik Real Estate waa shirkad ka shaqeysa maamulka guryaha, kireynta, Dayactirka guryaha, Nootaayada iyo Adeegyada Sharciga ah iyo waliba iibka dhulka iyo guryaha. Horn Afrik waxey muddo ka shaqeyneysey Somaliland.

Kusaabsan Shaqada

Horn Afrik waxey leedahey macaamiil faro badan oo kunool daafaha caalamka kuwaasi oo xiiseeya adeega aan bixino. Horn Afrik waxey bixisaa adeegyo farabadan sida maamulka guryaha, kireynta, dayactirka, nootaayada iyo iibka dhulka iyo guryaha. Si loo gaadho ujeedooyinka company-ga waxaa laga maarmaan ah in la helo maamule iyo shaqaale ka shaqeeya iibka iyo suuq geynta. Hada waxaan raadineyna qof shaqaale ah oo noqda Madaxa Iibka iyo Suuqgeynta company-ga Horn Afrik. Saacadaha shaqadu waa 8 saacadood oo ka bilaabma 7:00 AM ilaa 12:00 PM galinka hore iyo 4:00 PM ilaa 7:00 PM fiidnimo. Xarunta shaqadu waa Hargeisa.

Qofkan waxaa la marindoonaa 3 bilood oo tijaabo ah (Probation Period) hadii uu shaqadiisa gudan kari waayo heshiiska loo cusbooneysiin mayo.

Shaqada Laqabanayo

Qofka Shaqaalaha ah waxaa laga rabaa si guud inuu kor u qaado Iibka iyo magaca company-ga. Bal aan eegno shaqooyinka ugu muhiimsan ee laga rabo qofkan:

  1. Maamulka diwaanka macaamiisha
  2. Laxidhiidhka iyo raali galinta macmiilka
  3. Saxeexa heshiisyada macaamiisha iyo bixinta warbixinada billaha ah
  4. Sameynta iyo fulinta siyaasaddo lagu kordhinayo iibka iyo macmiilkaba.
  5. Kordhinta Macaamiisha ku xidhan Company-ga
  6. Xayeysiinta Adeegyada companyga iyadoo la isticmaalayo social medio, TV, Radio, iyo kuwa kaleba.
  7. Lashaqeynta shaqaalaha kale ee company-ga
  8. Kashaqeynta wixii shaqo uu u diro maamulkiisu

Shuruudaha Qofka

Qof kaste oo shaqadan codsanaya waxaa laga rabaa inuu buuxiyo shuruudahan

  1. Waa inuu ahaado Muwaadin Soomaalilaander ah
  2. Waa inuu heysto Shahaadada Bachelor ee kuliyada Business Administration ama kuliyad u dhiganta
  3. Waa inuu leeyahay khibrad shaqo oo kabada 3 sanno, isagoo ka shaqeynayey Iibka iyo Suuqgeynta.
  4. Waa inuu like, follow iyo share siiyo page ka Horn Afrik

Codsiga

Qofkii raba inuu codsado shaqadan waa inuu raaco talaabooyinkan:

  1. Soo dir Warqada Codsiga (Application Letter) iyo CV-ga adigoo soo raacinaya shahaadooyinkaagii, Recommendation Letter, iyo wixii cadeymo kale aad heysato adigoo ku diraya info@hornafrik.com
  2. Soo dir sawirkaaga, National ID Card-kaaga ama hadaad leedahay passport (hadaanad heysan dhib badan malaha lakiin qofkii heysta wey caawineysaa)
  3. Hal email oo kaliya soo dir oo qodobada sare oo dhami ku jiraan. Fariinta markaad direyso Magacaaga oo saddexan Subject uga dhig.
  4. Codsiga xafiiska laguma qabanayo. wixii faahfaahin ah la xidhiidh 636200001, 634570101

Wakhtiga uu Xidhmayo

Codsiyada waxaa la aqbalyaa uun laga bilaabo 19th November, 2020 7:00 AM ilaa 30th November, 2020 12:00 PM.

Apply for this Job

  • No Tags

1469 total views, 38 today

Top