Wordpress job board software

Madoonaysaa Inaad Shaqo Wanagsan Heshid ama Adigu aad Abuuratid Ganacsi? MOGADISHU

  • Anywhere
  • Training
  • Job category:
  • Post date:8 Jan 2020
  • Job expires in: 9 days
  • Share job:

Job Description

Madoonaysaa Inaad Shaqo Wanagsan Heshid ama Adigu aad Abuuratid Ganacsi?

SOS Children’s Village Somalia waa Hay’ad caalami ah kana shaqeysa horumarinta arrimaha bulshada, daryeelka caruurta waayey daryeelkii waalidnimo ama khatar ugu jira in ay waayaan.

SOS waxay Kobcin iyo Tababaro lagu xoojinaayo awoodooda xagga wax soo saarka u samaysaa qoysaska aan awoodin inay caruurtooda siiyaan daryeelkii ay u baahnaayeen.

SOS waxa ay sara u qaadeysaa xuquuqda caruurta iyo dhalinyaradda waxa ayna ku howlantahay ilaalinta xuquuqdooda. SOS Childrens’ Village Somaila, sidoo kale waxa ay magaalada Muqdisho ka fulinaysaa barnaamij loogu magac daray “Next Economy” oo ah barnaamij shaqo abuur iyo shaqo raadis oo lagu tala galay dhalinyarta aan shaqeeynin misna dhameesatay heerarka wax barasho sida, Jaamacadaha, Dugsiyadda farsamada gacanta & dugsiyadda sare.

Hay’daha SOS Children’s Village Somalia, SOS Children’s Village Island waxa ay si wada jir ah u fulinayaan mashruuca Next Economy iyaga oo tababaro siinaaya dhalinyaradda caqabaduhu ka heystaan in ay ku xirmaan suuqyada shaqada ama u baahan in laga caawiyo si ay shaqo fiican u helaan ama ay u bilaaban lahaayeen ganacsigooda gaarka ah.

Hay’adaha SOS Children’s Village Somalia, SOS Children’s Village Island waxa ay ku wargelinayaan dhammaan dhalinyaradda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyaradda ku nool Magaalada Muqdisho in uu billaabanaayo qaadashada dufcadii 2aad ee mashruuca Next Economy oo dhalinyaradda ka taageeridoona dhinacyada shaqo abuurka iyaga oo qaadandoona tababaro kala duwan seddex biilood ah, Tababaradaas oo ku saabsan;

  1. Sida loo raadiyo loona helo shaqo wanaagsan (Shirkadaha ganacisga, dawlada, hayadaha maxaliga, iyo hayadaha caalamiga).
  2. Sida loo Samaysto/ abuurto Ganacsi

Mashuurca “Next Economy” oo soo bilowday 2016-kii ilaa iyo Hada waxaa ka faa’idaystay dhalinyaro isugu jira Gabdho iyo Wiilal oo tiro ahaan gaaraaya 600 oo Qof. Sanna

dkan 2020 waxaa la qaadanayaa dufcadii labaad (Batch 2) oo tiro ahaan gaaraaya 100 (gabdho iyo Wiilal isugu jira).

Shuruudaha laga Rabo Dhalinyarada soo codsanaysa.

  1. Da’da: 18 – 35 Sanno
  2. Heerka Waxbarasho:
  3. Dhigta ama dhameystay jaamacad
  4. Dugsi H/DH- dhamaystay

iii.Dugsi farsamada gacanta–Ku jira/ dhamaystay

  1. Waa inuu yahay qof u heelan inuu shaqo helo ama uu abuurto isagu
  2. Waa inuu yahay qof ka bad qaba noocyada kaladuwan ee balwadda

Haddii aad danaynayso fursadaan, fadlan soo dir codsiyada (CV, Application iyo warqad codsi ah Adigoo kusoo hagaajinaya E-mail ka hoos ku xusan ka hor 25th January 2020.Ama waxad keeni kartaa xarunta SOS children’s village KM4 ama wac :0614392555

E-mail: next.economy.sos@gmail.com

Waxii faahin taasi dheer fadlan Booqo Website: www.next-economy.com

  1. Fadlan qofkii horey usoo codsaday dufcadii Kowaad (Batch 1) ee la xayaysiisyay bilowgii sanadkaan 2019, uma baahna inuu dib usoo codsado.

Apply for this Job

  • No Tags

2856 total views, 29 today

Top