
Pre-qualified Vendor List – Hargeisa, Somaliland
- Anywhere
- Contract/Consultancy
- Job category: Tender/Bid/RFQ/RFP
- Post date:24 Nov 2020
- Share job:
Job Description
Hay’adda Shaqodoon/Somaliland and Somalia
qandaraaslayaasha allaabaha iyo adeegyada sanadaha 2021-2024 ee xafiiska Hay’adda shaqodoon ee hargeisa,
- Hordhac
Shaqodoon waa urur aan dawli ahayn oo maxalli ah oo la aasaasay sanadkii 2011 kaas oo loo sameeyay si uu xal waara ugu helo caqabada hor yaalla shaqogelinta dhalinyarada Somaliland. Ururka shaqodoon waa natiijadii ka soo baxday mashruucii EDC livelihood ee ay maalgelin jirtay Hay’adda USAID kaas dhalinyarada Somaliland, Puntland iyo Koonfurta Somalia siiyay fursado shaqo, tobabarro, shaqa barasho iyo iskaa u shaqaysiga . Ururku waxaa uu qaabayn iyo qiimayn ku sameeyaa barnaamijyo hal abuur leh si wax looga qabto caqabadaha degdega ah ee bulshada ee dhinacyada maciishadda, xirfad barashada ganacisga iyo waxbarashada.
Xafiiska Shaqodoon ee Hargeisa waxa uu doonayaa inuu sameeyo diiwaan galin macluumaad oo laga heli karo shaqooyin iyo adeegyo kala duwan sanadaha 2020 ilaa 2024.
FG: Dhamaan qandaraaslayaashu hadda ku jira waa loo ogol yahay inay soo dalbadaan.
Dukumiintiyada iyo jawaabaha ku jira waxay noqon doonaan bilowga diiwaan galinta qandaraslayaasha Fadlan u akhri dukumiintiyada si taxadar leh soona sheeg macluumaadka lagu waydiiyay oo ay ku jiraan dukumiintiyada kale ee lagaa doonaayo.
- Tilmaamayaasha iibsadaha/iibiyaha
- Sharraxaad Habka wax Iibsiga: Ujeedada dukumiintigani waa inuu ka kaalmeeyo Iibsadaha (Shaqodoon) ee Somaliland/Somalia inay aqoonsadaan oo ay qiimeeyaan qandaraaslayaasha lagu soo marti qaadi karo inay keenaan qiima sheegta “Quotation” alaabaha iyo adeegyada qaybo gaar ah. Waxaanu mudnaanta siin karnaa in ka badan hal iibiye oo gaar u ah adeeg ama alaabta. Si aanu u fuduydino habkan, waxaad u baahan tahay nuqullada dhamaan dukumiintiyada lagaaga baahan yahay ee lagaaga doonayo weydiimaha hoose ku xusan. Waxaa kale oo lagu waydiin karaa inaad caddayso jawaabahaaga ama aad bixiso faahfaahin dheeraad ah. Fadlan ka jawaab dhamaan su’aalaha. Haddii ayna suaaluhu kula xidhiidhin adiga fadlan ku muuji N/A.
- Shaqodoon waxay baadhi doontaa dukumiintiyada si ay u go’aamiso dhamaystirnaanta, habaysnaanta guud iyo faahfaahsanaanta jawaabaha. Dhamaystir la’aanta ama jawaab la’aanta suaalaha dheeraadka ah ama macluumaadka dheeraaadka ah oo lagu sii waydiin karo waxay keeni kartaa in qandaraaslaha laga reebo ama aan tixgelin dheeraad ah la siin. Haddii aad meesha aad jawaabaha weydiimaha aad ku qorayasaa kugu filnaan waydo ku qor jawaabahaaga waraaq gaar ah.
- Macluumaadka lagu sheego dukumiintigan waa mid si adag loo xafidi doono waxaana keliya adeegsan karta ama isticmaali karta Hay’adda Shaqodoon oo kaliya. Fadlan ogsoonow hadii aad ka soo jawaabto weydiimaha waxaad ogolaatay in dhamaan jawaabaha aad bixisay ay yihiin kuwo sharci kugu qabanayo hadii loo baahdana loo adeegsan karo caddayn maxkamad sharci, taas oo awood u leh. Waxaa kale oo Shaqadoon xaq u leedahay iyadoo aan dib loogu noqon inay xaqiijiso iyadoo isku qabta saxsanaanta jawaabaha halkan lagu bixiyay.
- Shaqodoon waxay xaq u leedahay inay soo eegto dhismaha goobaha shaqada ee qandaraaslaha taas oo ka mid habka qiimaynta.
- Ka qayb galayaashu waa inay ogsoonaadaan inaanu dukumiintigani lahayn waajib qandaraas oo dhinaca shaqodoon saaran, Shaqodoonna waajib kuma aha inay u yeedho qandaraaslayaasha ama dhamaan intii danaysay.
- Dukumiintiga asalka ahi waa inuu ku diyaarsanaadaa khad aan la masixi karin. Waana in aanay ku jirin waraaqo dhexda kaga jira ama qoraal lagu dul qoray, marka laga reebo sixitaan lagama maarmaan ah si loo saxo khalad oo uu sameeyay qandaraasluhu. Sixitaanka noocaas ah waa inuu saxeex ku sameeyaa qofka ama dadka sexeexay dukumiintiga.
- Qandaraaslayaashu iyaga ayaa isku qaba kharash kasta oo la xidhiidha diyaarinta iyo soo gudbinta codsiyadooda. dukumiintigan marka la dhameeyo waxaa sexeexaya Maamulaha/Masuulka shirkadda iyadoo oo bog kasta lagu dhufanayo shaambad isla markaana laga sexeexayo bogga ugu dambeeya.
- Dadka laga tirada badan yahay (dumarka, dhalinta iyo naafada) ayaa lagu dhiirri gelinayaa inay soo codsadaan.
- Su’aalaha khuseeya habka soo iibsiga “procurement”. Dhamaan su’aalaha la xidhiidha u qalmida howshan (prequalification) waxaa lagu soo hagaajinayaa xafiiska Hay’ada shaqodoon ee Hargeisa.
Xilliga ugu dambaysa ee formkan la buuxin karaa waa maalinta Sabtida ah ee bishu tahay, 10ka December 2020. Siyaasadda Hay’adda Shaqodoon waxay tahay inay qandaraaslayaashu ilaaliyaan heerka ugu sarreeya ee anshaxa inta lagu gudo jiro xulashada iyo dhamaystirka Dukumiintigan.
- Ku soo rid dukumiintiga oo dhan bushqad cad oo xidhan si waadax ahna ugu calaamadi: “CALAAMADA TIXRAACA: SHQ/PREQ-2021- 2024 PRE-QUALIFICATION OF SUPPLIERS FOR CATEGORY (please indicate) Ku soo dir dukumiintiyada oo dhamaystiran xafiiska Hay’ada shaqodoon ee Hargeisa.
Hay’adda Shaqodoon Dhismaha Harhub,
Xaafadda pepsiga,
Wadada UNDP. Ka soo horjeedka Miiska Saraakisha.
- qaybaha keenista alaabaha iyo adeegyada
Shaqodoon waxa ay doonaysaa in ay samayso diiwaan galin macluumaad oo laga heli karo shaqooyin iyo adeegyo kala duwan sanadaha 2021 ilaa 2024. Qandaraaslayaasha ku habboon ee danaynaya ayaa lagu martiqaadayaa inay ka soo qayb galaan, iyagoo muujinaya qaybaha alaabaha, shaqada ama adeegyada ay doonayaan inay keenaan. Qandaraaslayaasha hore u jiray ee doonaya inay ka sii mid ahaadaan waa inay dib u soo codsadaan oo ay dib u soo gudbiyaan macluumaadka cusub ee lagaa codsaday dukumiintigan.
S/N | Nambarka tixraaca | Qaybta A: Keenista Alaabaha |
1 | Shaqodoon001_2020 | Qandaraas gaadiid iyo qalab dayactir |
2 |
Shaqodoon002_2020 | Qandaraas cunto sida cunto daray ah, cunto qalalan, bariis,sonkor shaah iyo iwm. |
3 | Shaqodoon003_2020 | Qandaraas qalab kombuyuutaro iyo dayac tirkooda. |
4 | Shaqodoon004_2020 | Qandaraas alaabta guryaha, qalabayn iyo dayactirka guryaha. |
5 | Shaqodoon005_2020 | Qandaraas keenista qalab xafiis. |
6 | Shaqodoon006_2020 | Qandaraas shidaal, saliid iyo gaas. |
7 | Shaqodoon007_2020 | Qandaraaska dayactirka dab demisyada iyo xidhmooyinka gargaarka degdeg ah. |
8 | Shaqodoon008_2020 | |
Nambarka tixraaca | Qaybta B: Bixinta Adeegyada | |
9 | Shaqodoon009_2020 | Adeega dayactirka kombuyuurada iyo qalabka xafiisyada. |
10 | Shaqodoon010_2020 | Qandaraas waxyaabaha muuqaalada leh (Boroshuur, Joornaal, Buug-yare, Jaraa’id, Garamaan iyo Boorsooyin). |
11 | Shaqodoon011_20120 | Bixinta adeega saxaafadda iyo xayaysiisyada. |
12 | Shaqodoon012_2020 | Bixinta adeega dhismaha, qalabka dhismaha iyo dib u habaynta. |
13 | Shaqodoon013_2020 | Qandaraaska waxyaabaha ku shaqeeya tamarta qoraxda. |
14 | Shaqodoon014_2020 | Qandaraaska adeega tigidhada iyo diyaaradaha. |
15 | Shaqodoon015_2020 | Qandaraas cunto keenis. |
16 | Shaqodoon016_2020 | Qandaraas kiro gaadhi iyo adeeg tagsi. |
17 | Shaqodoon017_2020 | Qandaraas bixinta adeeg internet |
18 | Shaqodoon018_2020 | Qandaraas adeegga hudheelada iyo goobaha shirarka iyo sibinaarada |
19 | Shaqodoon019_2020 | Bixinta adeegga amniga. |
20 | Shaqodoon020_2020 | Bixinta adeegga caymiska. |
21 | Shaqodoon021_2020 | Bixinta adeegga qaadista iyo keenista farriimaha. |
22 | Shaqodoon022_2020 | Bixinta adeegga hantidhawrka. |
23 | Shaqodoon023_2020 | Bixinta adeegga soo saarida iyo soo waaridida alaabaha kala duwan ee dakadaha |
24 | Shaqodoon024_2020 | Bixinta adeegga la talineed “consultancy” |
25 | Shaqodoon025_2020 | Bixinta adeegga tiknoolajiga iyo telefoonada. |
26 | Shaqodoon026_2020 | Bixinta adeeg nadaafad iyo qashin ururin. |
27 | Shaqodoon027_2020 | Bixinta adeegga hagaajinta iyo dayactirka guud. |
28 | Shaqodoon028_2020 | Bixinta adeegga lacag bixinta iyo xawilaadda lacagaha. |
Qandaraaslayaasha ku habboon ee danaynaya in ay noo qabtaan adeeyadan aan ku soo xusnay kor, waa inaad noo soo dirtaan dhamaan alaabaha iyo adeegyada aad bixisaan iyo qiimahooda oo dhamaystiran, haddii aad isku aragtid inaad howshan qaban karto, fadlan soo buuxi formka. ugu dambeyn 10 bisha labiyotobnaad ee sanadkan 2020.
FOOMKA DIIWAAN GELINTA IIBIYAYAASHA
Fadlan buuxi weydiimaha si aad isku diiwaan geliso. Macluumaadka lagu sheego weydiimaha waxaa loo ilaalin doonaa si qarsoon. Fadlan soo raaci dukumiintiga kale ee lagaaga codsado weydiimahan.
Pre-qualitifed Vendor List Advertisement – Somaliland 2020 24-11-2020
Apply for this Job
- No Tags
1483 total views, 2 today